Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya : Dib-u-qaabayn Hannaanka Federaalka iyo Isudheelitirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada

Hordhac

Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya “Khaatumo”, waa mid kamida  muuqaallada siyaasadeed, ee muujinaya rajo iyo yididiillo ku aaddan midnimo qaran oo ku salaysan caddaalad iyo ka-qaybgal siyaasadeed oo sal-ballaadhaan. Dowlad-goboleedkan waxa uu ka kooban yahay deegaannada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC), kuwaas oo leh astaan taariikheed, oo qoto dheer, kuna xidhiidhsan xusuusta Qaranka Soomaaliyeed. Gobolka Sool waa halkii uu sannadkii 1899 ka bilowday kacdoonkii Daraawiishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, kaasoo looga soo horjeeday boobkii gumeystaha Ingiriiska ee dhulka Soomaaliyeed,  kadib markii sannadkii 1887 uu qabsaday qayb kamid ah dhulka Soomaaliyeed, billabayna in uu si qunyar ah awoodiisa ugu fidiyo deegaannadaa. Kacdoonkaa, oo socday in ka badan labaatan sano, waxa uu ahaa horseedkii halgankii gumeysi-diidka ee ka curtay Bariga Afrika, ka hor intii aan si bahalnimo ah loogu burburin weerar dhanka cirka ah, oo Ingiriisku ku qaaday xaruntii Daraawiishta ee Taleex, sanadkii 1920, kaasoo taariikhda ugu suntan in uu yahay mid kamida weeraradii ugu horreeyay ee dhanka cirka ah oo lagu qaaday dhaqdhaqaaq gobanimaddoon oo Afrikaan ah.

Magaalada Laascaanood, caasimadda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari “Khaatumo”, waxa ay door muhiim ah ka ciyaartay taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya. Haldoorkeeduna waxa ay hormuud ka ahaayeen halgankii gobanimodoonka iyo midnimada dalka, waxa ay qayb ka ahaayeen ergadii ku metelaysay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (British Somaliland Protectorate)   heshiiskii midowga ee ay la galeen Gobollada Koofureed  ee Soomaaliya (Italian Somaliland) sanadkii 1960. Sidoo kale, magaalada Laascaanood waxaa sanadkii 1969 ka dhacay dilkii madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, dhacdadaas oo gogol-xaar u noqotay afgambigii ciidamada ee uu hogaamiyay taliyihii ciidanka xooga dalka, Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, ee  isla sanadkaas 1969.

Dabayaaqadii1980dii, deegaanka Sool waxa uu noqday gobol madax-bannaan, wuxuuna taageero siiyey xukuumaddii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, xilli uu dagaal kula jiray Jabhaddii SNM (Somali National Movement) ee waqooyiga dalka. Kadib  burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, sanadkii 1991, deegankan waxa uu qayb ka noqday wadahadalladii siyaasadeed ee ka dhacay gobolladii Waqooyi-Bari (Mudug, Nugaal, Bari, Sool, iyo Sanaag), laguna aasaasay Dowlad-goboleedka Puntland, sanadkii 1998, kaasoo saldhiggiisu yayhay xiriirka tolnimo iyo isir wadaagga bulshada deegaanka, iyada oo ay dheertahay ka hortagga mashruuca Somaliland ee kala qeybinta dalka. Tan iyo sanadkii 2007, Laascaanood waxaa ka jiray khilaaf siyaasadeed iyo dagaallo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, shacabka deegaannadaa waxa ay kacdoonkooda ku taageerayeen midnimadda, iyada oo diidmadooda  fekerka gooni-u-goosadka, ay ahayd mid sare u sii kacaysa . Waxaana deegaanka ka hanaqaaday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo hadafkiisu yahay soo afjaridda gooni-u-goosadka, taasoo horseedday in sanadkii 2012 lagu dhawaaqo Maamulka “Khaatumo”. Maamulkan waxa uu ahaa mid siyaasadeed oo ku salaysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka ee ku aaddan midnimada, madax-bannaanida, iyo sharafka qarannimo. Aas-aaska maamulka Khaatumo waxa uu muujinayaa sida ay dadka deegaanku ugu heellan yihiin joogtaynta halgankoodii taariikhiga ahaa, ee awoowayaashood ay u soo galeen xoriyadda iyo midnimada Qaran.

Qarni kadib, dhashii halgamayaashii hore, ee gobanimo u dirirka ahaa, ayaa mar kale ku kulmay isla deegaankii halgankaasu ka hanaqaaday, waxa ayna sameeyeen maamul cusub oo loogu magac daray Khaatumo, kaasoo astaan u ah joogtaynta xusuusta halganka iyo xoojinta midnimada dalka. Dadka deegaanka Khaatumo, waxa ay aaminsan yihiin in caqabadihii soo maray aanay ahayn dhammaadka jidka, balse ay yihiin casharro mudan in wax laga barto, si loo horumariyo gobolka, loona ballaadhiyo fursadaha ka qaybgalka siyaasadeed iyo isdhexgalka dhammaan qaybaha kala duwan ee ku dhaqan deegaankaa.

Isbeddelkan wuxuu ku soo beegmay xilli ay jirto dhibaato asaasi ah, oo la xidhiidha waayo-aragnimada hannaanka federaalka Soomaaliya, maadaama aanay maamulladii federaalka ee horay u jiray aanay ku guulaysan horumarinta hay’ado waxatar u leh bulshada iyo baahiyooda aasaasiga ah, isla markaana aanay horseedin xasillooni siyaasadeed. Tusaale ahaan, Somaliland, waxa ay waajahaysaa hoos u dhac weyn oo ku yimid taageeradeeda dhanka bulshada, waxaa si ballaadhan u soo koobmay bedkeeda metelaadda, mid juquraafi iyo mid bulsho, waxaana hawlgab noqday hay’adaheedii siyaasadeed iyo kuwii adeegyada bulshada. Arrinkaasi waxa uu si ballaadhan uga muuqanayaa kacdoonnadii ka dhacay Awdal, Sool, iyo Sanaag, kuwaas oo si cad uga dhiidhiyay duruufaha siyaasadeed ee ka jira halkaa. Sidoo kale, Puntland, oo ahayd horseedka hannaanka federaalka dalka, waxa ay wajahaysaa hoos u dhac dhinac walba ah, taasoo sababteedu tahay: isu dheelitirkii hay’adaha oo meesha ka baxay iyo xukuumadda oo marooqsatay awoodihii ay lahaayeen hay’adaha kale ee dowlad-goboleedka, waxaana nuxuusay isfahamkii bulshada dhexdeeda ahaa, oo ay ku qotontay sharciyadda dowlad-goboleedku, damaca siyaasiyiinta ayaana jiiray hirgelinta mashruucyo horumarineed oo gacan ka geysan lahaa xasilloonida siyaasadeed, tan bulsho, iyo baahiyaha maamulka deegaanka, xilligan kala guurka ah. Arrinkanina waxa uu horseeday soo if-baxa dhaqdhaqaaqyo maxalli ah oo diiddan hab-dhaqanka madaxda siyaasadeed. Dhinaca kale, “Jubbaland” waxa ay gashay xaalad sharciyad la’aan ah, oo maalinba maalinka ka dambeeya kasii dareysa, kadib markii madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Axmed Madoobe, uu si is-maqiiq ah, oo muran badan dhalisay uu isugu dayay in mar saddexaad dib loo soo doorto, taasoo ka maran heshiis siyaasadeed iyo mid bulsho. Sida laga dheehan karo waayo-aragnimada Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaa muuqanaya in nidaamka federaalka Soomaaliya uu ku guul-darreystay inuu abuuro xasillooni siyaasadeed ama dhiso hay’ado wax ku ool ah. Dowlad-goboleedyadani waxa ay  dhismeen xilli ay dowladda federaalku ku jirtay marxalad kala-guur, aadna u nugushahay, iyadoo isla markaana aan wadatashi bulsho oo baaxad leh, laga yeelan, waddada loo maray  maareynta dhismaha maamulladaa, arrinkaa oo lama huraan u ah  bulsho kasoo kabsanaysa dagaallo, taasina waxa ay sababtay in ay samaysmaan maamullo taag-daran, oo inta badan laga maamulo xarumaha dowlad-goboleedyada, halka deegaannada kale ay baylah u yihiin colaado iyo dhagaro kaga imanaya kooxaha hubaysan ee nabadiidka ah. Tusaale ahaan, horumarkii ay samayn lahayd Hirshabeelle waxaa hor istaagay khilaaf  u dhaxeeya deegannada  Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, taas oo carqaladeysay geeddi-socodkii horumarinta deegaannadaa. Sidoo kale, Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, xaaladoodu waxbadan ma dhaanto, sabatuna waa iyada oo hay’adihii loo sameeyay ballaadhinta ka-qaybgalka siyaasadeed iyo xadeynta awoodda dawladda dhexe ku leedahay hawlaha maxalliga ah ee dowlad-gobaleedyada,  aysan suuragelinin  xasillooni siyaasadeed, horumar bulsho iyo mid dhaqaale oo isu dheellitiran. Halkii laga filayay inay ka hortagaan kala-qaybsanaanta dalka iyo xoojinta midnimada, hay’adahani waxa ay noqdeen kuwa ku fashilay gaadhista xasillooni, intii la dooniba ha koobnaatee, horumar kalana warkiisaba daa.

Inkasta oo dowladda federaalka  oo kaashanaysa  bahwadaagta caalamiga, ay waddo dadaallo xooggan, si loo hagaajiyo xaaladda federaalka Soomaaliya, haddana sida muuqata, weli waxaa dheer waddada loo marayo unkidda heshiis bulsho oo dhab ah, kaasoo beddeli kara, u hogaansanaata qabiilka, oo weli si xoog leh uga dhex muuqata nidaamka dowlad-goboleedyada, heshiiskaas bulsho oo haddii lagu guulaysto meesha ka saaraya faragelinta siyaasadeed ee taban ee ka timaadda dowladda dhexe, suuragelinaysana dhismaha hay’ado dhammeystiran oo ku salaysan rabitaanka bulshada deegaanka, kana tarjumaysa xaaladaha ay ku suganyihiin, hamigoodoona haqabtiraysa. Arrinkaasina waxa uu xoojinayaa  sharciyadda ay hay’adahaasi ku shaqeeynayaan, waxaana looga gudbayaa duruufaha nugaylka ah ee uu ku suganyahay hannaanka federal ee dalka, kaasoo halkii uu ka ahaan lahaa hannaan dalka lagu dhisayo, laguna gaarayo horumar waara, isu beddelay goob lagu hardamo, awooddana lagu boobo.

Dhibaatooyinka ka dhashay hannaanka federaalka ee xilligan laga hirgeliyay Soomaaliya, waxa ay daaha ka rogeen gaabis iyo gefaf si taban u saameeyay guud ahaan siyaasadda dalka, waxaana ka dhashay fashil hareeyay maareeynta danaha kala-duwan ee muwaadiniinta; danka bulshada iyo dhanka siyaasaddaba. Arrinkaasina waxa uu abuuray baahi degdeg ah oo loo qabo habab kale oo cusub oo xaqiijinaya metelaad siyaasadeed oo ballaadhan iyo sinnaan ku dhisan caddaalad.

Duruufaha sare ku xusan oo jira, ayuu samaysamayaa Dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyiga Bari “Khaatumo”, kaasoo metelaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn, kuwaa oo muddo dheer la raafdsanaa takoor ay kala kulmayeen maamullada Somaliland iyo Puntland. Maamulkan cusub waxa uu rajo aad u weyn ka qabaa helitaanka taageero iyo garab-istaag buuxa oo ka yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qormadani waxaa hadafkeedu yahay falanqaynta dhacdooyinka taariikheed iyo kuwa siyaasadeed ee  u gogolxaaray dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari  “Khaatumo”, waxa ayna sidoo kale dul istaagaysaa xuddunta khilaafka ka aloosan deegaankaa, islamarkaana waxa ay qiimeyneysaa fursadaha  maamulkani abuurayo si ay Dowladda Federaalku kaalin mug leh uga qaadato dib-u-habaynta nidaamka federaalka Soomaaliya, si loo gaaro xasillooni siyaasadeed iyo midnimo qaran oo waarta.


Federaalka Qabyada Ah Ee Soomaaliya: Mashruuc Dano Gaar Ah Mise Heshiis Qaran?


Su’aal muhiim ah ayaa hortaalla masraxa siyaasadda ee Soomaaliya, taasoo ah suuragalnimada in nidaamka federaalka ee maanta ka jira dalka, lagana hogaamiyo  caasimadda Muqdisho, uu guul ka soo hoyn karo dedaallada lagu xqiijinayo mideynta Waqooyiga iyo Koonfurta dalka? Iyo sidoo kale, in ku soo biirista maamulka cusub ee Waqooyi Bari “Khaatumo“ ee nidaamka

Federaalka Soomaaliya: Baahitaan Juqraafiyeed Iyo Maqnaashiyaha Mashruuc Qaran

Xilligii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (2012–2017) waxa si ballaadhan dalka looga hirgaliyay hannanka federaalka, iyadoo la aas-aasay dowlad-goboleedyo cusub. Hayeeshee, ballaadhintani waxa ay lahayd muuqaal maamul-samayn ah, oo aan qayb ka ahayn mashruuc ballaadhan oo dalka lagu midaynayo, sababtuna waa maqnaashiyaha dastuur rasmi ah oo si cad u qeexaya xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, taasoo sii fogeysay isfaham la’aanta iyo kala shakiga siyaasadeed ee ka jira dalka.

Inkasta oo Puntland ay si cad uga hortimid in Koonfurta Soomaaliya laga sameeyo 4 dowlad-goboleed, haddana madaxweynuhu hirgelinta aragtidaa iyada ah kama aanu hakan, isagoo oo ku saleeyay go’aamadii kasoo baxay Shirkii “Vision 2016”, kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayna ka soo qaybgaleen ku dhowaad 300 oo xubnood oo kamida waxgaradka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibaddaba. Intii lagu gudajiray muddo xileedkiisa labaad, madaxweynuhu waxa uu gudagalay dhameystirka mashruuca federaalka ee qabyada ah, isagoo taageeray dhismaha Dowlad-gobolkeeda cusub ee Waqooyi Bari “Khaatumo”, taasoo si weyn uga careysiisay Puntland, oo u aragtay in tallaabadaasi tahay mid waxyeellaynaysa saamigeeda siyaasadeed, faragelin toos ahna ku ah arrimaheeda gudaha. Sidoo kale, Somaliland ayaa  dhankeeda, arrinkan si adag uga hortimid, iyadoo sheegtay in deegaankaasi ka mid yahay soohdinteeda.

Dhinaca kale, waxaa jira hindise ku aaddan dhisme maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir, oo xarun u ah caasimadda dalka ee Muqdisho, si loo xoojiyo fursadda metelaadda bulshada ku dhaqan deegaankaa. Tallaabadani waxa ay u muuqataa iskuday kale oo lagu ballaadhinayo nidaamka federaalka, iyadoo la tixgelinayo isu-dheelitirka beelaha iyo qaybaha bulshada ee ku tartamaya siyaasadda dalka, waxaana suuragal ah in mustaqbalka ay samaysmaan maamullo kale oo la mid ah Khaatumo iyo Banaadir.


Federaalka Soomaaliya: Waaqac Qadhaah Iyo Himilooyin Qaran

Sida bogaga hore ku xusan, hannaanka loo maray hirgelinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya, ma ahayn mid saldhigiisu yahay mashruuc qaran oo lagu mideysan yahay, kumana aanu dhisnayn heshiis siyaasadeed oo ballaadhan ama wadatashi bulsho oo qoto dheer. Balse waxa uu ahaa fal-celin ka dhalatay burburkii dawladdii dhexe ee  sanadkii 1991, iyadoo loo arkayay in uu noqon karo hannaan lagu xakameeyo kalaqaybsanaanta ka dhex aloosan qabiillada iyo deegaannada. Nidaamkani waa mid ku yimid cadaadis ka dhashay is-aamin la’aanta qabiillada iyo faragelinta bahwadaagata caalamiga. Mushkiladda ugu weyn ee jirtana waa in nidaamkan laga hirgeliyay dalka, iyadoo aanu jirin dastuur rasmi ah, ama qaab cad oo dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu u wadaagaan awoodaha iyo kheyraadka dalka. Sidaa awgeed, federaalku waxa uu isurogay aalad ay qabiillada iyo dowlad-goboleedyadu si gaar ah ugu fushadaan danahooda, halkii uu ka noqon lahaa hannaan lagaga gudbo kala qaybsanaanta iyo tartanka u dhexeeya qabiillada. Natiijaduna  waxa ay noqotay in qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu ay u dhaqmaan sidii dawlado madax-bannaan, iyagoo si gaar ah u maamulaya kheyraadkooda, islamarkaana galaya heshiisyo dibadeed oo aan laga talogelin dowladda federaalka – sida ay horey u sameeyeen Puntland iyo Somaliland – oo iyadu  mas’uul ka ah siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka. Waxaa gebi ahaan meesha ka maqan hay’adihii kormeerka ee wadajirka ahaa, ee ka hortagayay  in heerarka kaladuwan ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay ka tallaabaan xuduudaha awoodahooda, taasina waxaa ka dhashay in dowladda federaalku aysan wax talo ah ku lahayn dowlad-goboleedyada, waxaa intaa dheer kalsooni darrada dhextaal labada heer ee dowladdaa oo sii xoogaystay. Ugu dambeyn, arrimahan oo dhami waxa ay sababeen in Sida bogaga hore ku xusan, hannaanka loo maray hirgelinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya, ma ahayn mid saldhigiisu yahay mashruuc qaran oo lagu mideysan yahay, kumana aanu dhisnayn heshiis siyaasadeed oo ballaadhan ama wadatashi bulsho oo qoto dheer. Balse waxa uu ahaa fal-celin ka dhalatay burburkii dawladdii dhexe ee  sanadkii 1991, iyadoo loo arkayay in uu noqon karo hannaan lagu xakameeyo kalaqaybsanaanta ka dhex aloosan qabiillada iyo deegaannada. Nidaamkani waa mid ku yimid cadaadis ka dhashay is-aamin la’aanta qabiillada iyo faragelinta bahwadaagata caalamiga. Mushkiladda ugu weyn ee jirtana waa in nidaamkan laga hirgeliyay dalka, iyadoo aanu jirin dastuur rasmi ah, ama qaab cad oo dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu u wadaagaan awoodaha iyo kheyraadka dalka. Sidaa awgeed, federaalku waxa uu isurogay aalad ay qabiillada iyo dowlad-goboleedyadu si gaar ah ugu fushadaan danahooda, halkii uu ka noqon lahaa hannaan lagaga gudbo kala qaybsanaanta iyo tartanka u dhexeeya qabiillada. Natiijaduna  waxa ay noqotay in qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu ay u dhaqmaan sidii dawlado madax-bannaan, iyagoo si gaar ah u maamulaya kheyraadkooda, islamarkaana galaya heshiisyo dibadeed oo aan laga talogelin dowladda federaalka – sida ay horey u sameeyeen Puntland iyo Somaliland – oo iyadu  mas’uul ka ah siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka. Waxaa gebi ahaan meesha ka maqan hay’adihii kormeerka ee wadajirka ahaa, ee ka hortagayay  in heerarka kaladuwan ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu ay ka tallaabaan xuduudaha awoodahooda, taasina waxaa ka dhashay in dowladda federaalku aysan wax talo ah ku lahayn dowlad-goboleedyada, waxaa intaa dheer kalsooni darrada dhextaal labada heer ee dowladdaa oo sii xoogaystay. Ugu dambeyn, arrimahan oo dhami waxa ay sababeen in nidaamka federaalka Soomaaliya uu noqdo mid qasan oo dhalanrogan, baahi weynna u qaba aragti qaran oo wax kulmisa, taasoo xoojinaysa dareenka bulshada ee ku aaddan tiirarka sida wadajirka ah iskugu haya ee qaranimada, dhaqanka, iyo diinta, saldhiggana u ah dowladnimada dalka.
Haddii la doonayo in la gaaro federaal dhab ah oo keena dowlad casri ah oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed, waxaa lama huraan ah in dib loo eego mashruuca federaalka, dibna loo habeeyo, lagana dhigo mid xaqiijinaya yoolalka qaran, iyada oo loo marayo :

  • In la dejiyo dastuur rasmi ah oo si cad oo qeexan u  kala saaraya awoodaha, xuquuqda, iyo waajibaadka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

  • In laga gudbo nidaamka qabaa’ilka ku saleysan ee hadda jira, loona gudbo hab maamul oo ku dhisan halbeegyo cilmiyeysan oo tixgelinaya kala-duwanaanta hodanka ah ee bulshada iyo kheyraadkeeda.

  • In nidaamka federaalka ah loo dhiso hannaan xaqiijinaya wadaaga awoodda iyo adeegyada oo si caddaalad ah ku dhisan, ballaadhinayana hababka ka-qaybgalka siyaasadda, xoojinayana sinnaanta bulshada dhexdeeda.
  • In la xoojiyo midnimada qaran, iyadoo la abuurayo iskaashi wax ku ool ah oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada si loo helo wada shaqeyn dhab ah.

Taariikhda Muranka Siyaasadeed Ee Sool, Sanaag Iyo Cayn

Khilaafka ka taagan gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn waxa uu ka soo billaabmayaa xilligii burburka dawladdii dhexe ee Soomaaliya, sanadkii 1991, markaas oo ay soo baxeen hay’ado siyaasadeed iyo maamullo goboleed oo kala duwan, kuwaasoo isku dayay in ay buuxiyaan firaaqii ka dhashay burburkii dawladdii dhexe,  maamulna u sameeyaan degaanno xadkooda juqraafiyeed uu ku salaysan yahay xayndaabka beelaha. Maamulladaa, oo ay ugu magacdheeraayeen Somaliland iyo Puntland. Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya, iyada oo seeraha maamulkeeda ku salaynaysa xuduuddii gumeystaha, ka hor 1960kii. Si taa ka duwan, Puntland waxa ay dhistay maamul, saldhigiisu yahay deegaanka beelaha ab-wadaagata ah. Habraaca ay adeegsadeen labadan maamul waxaa ka dhashay in deegaannada Sool iyo Sanaag ay noqdaan meel ay ku hardamaan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland, iyadoo mid walba uu isku dayay inuu deegaannadaa hoos keeno maamulkiisa.

Labadan mashruuc midkoodna ma helin taageero dadweyne oo dhab ah, waxaana la dareemay niyad-jab iyo hoos u dhac ku yimid sumcadda labada maamul. Waxa ayna u muuqdaan in ay noqdeen qorshayaal dhacay, oo aan la jaanqaadi karin xaaladda siyaasadeed iyo bulsho ee dalka oo si joogta ah isu beddelaysa. Tusaale ahaan, Somaliland ma jiro horumar la tilmaamo karo oo ay ku tillaabsadeen hay’adaha maamulka tan iyo markii la aasaasay 35 sano ka hor, sidoo kalena Puntland oo laa aasaasay 27 sano ka hor, kama jiro horumar muuqda. Arrinkan ayaa keenay in dad badani ka hayaamaan deegaannadaa iyaga oo nolol raadis ah, qaarkood waxa ay u jihaysteen dalalka jaarka ah, qaar kalana meelo fog oo dunida ah ayay u hayaameen.
Dhanka kale, waxaa sii xoogaystay is jiid-jiidka siyaasadeed iyo khilaafka, iyadoo aysan jirin dowlad dhexe oo leh awood ay ku xalliso mushkiladaha dadka deegaanka, ama ay ku bixiso adeegyada lagama maarmaanka u ah noloshooda. Dadka ku nool Sool iyo Sanaag waxa ay noqdeen kuwa waajahaya takoor isku-dhafan, waxa ayna cadaadis kala kulmayaan; qolyaha u halgamaya gooni-u-goosadka (Somaliland) iyo qolyaha saldhigga ka dhigtay xayndaabka beeleed (Puntland). Si ay u kordhiyaan saameyntooda, Somaliland iyo Puntland labaduba waxa ay mararka qaar adeegsanayeen awood ciidan, iyaga oo iska indhatiraya rabitaanka dadka deegaanka ama baahida loo qabo wadahadal bulsho iyo heshiis siyaasadeed.

Iyada oo laga jawaabayo xaaladdan cakiran, ayaa tan iyo horaantii sanadkii 2000, hogaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa bulshada ee deegaannadan waxa ay bilaabeen in ay ka howlgalaan hirgelinta “Maamul-goboleedka Khaatumo”, kaas oo ah mashruuc siyaasadeed oo beddel ka ah, xaaladdii ay horay ugu sugnaayeen, ujeeddadiisuna tahay in uu metelo dadka deegaanka, isla markaana uu ka madaxbannaanaado labada aragti ee kala ah; gooni-u-goosadka (Somaliland) iyo federaalka beeleysan (Puntland). Ujeeddada ugu weyn ee Khaatumo waa in dadku helaan metelaad rasmi ah, kana mid noqdaan nidaamka dowladnimo ee dalka.

Diinaamikada Dhismaha Siyaasadeed Ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari “Khaatumo”

Ku dhawaaqista Maamulka Waqooyi Bari, waa  tallaabo muhiim ah, oo ay dhowaan qaadday dowladda Soomaaliya. Maamul-goboleedkan  cusub, waxa uu leeyahay xeeb dhererkeedu tahay ku dhawaad 200km, baaxaad ahaanna ku fadhida 33% dhulka ay sheegato Somaliland iyo 44.1% dhulka ay sheegato Puntland. Maamulkan ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah isbeddellada waaweyn ee dhinacyada  juqraafiga iyo siyaasadda ee ku yimid nidaamka federaalka Soomaaliya ee curdanka ah.

Sidoo kale maamulkan waxa uu astaan u yahay isbeddel siyaasadeed oo dib u jaangoynaya miisaanka metelaadda hay’adaha federaalka Soomaaliya. Maamulkan ayaa helaya ilaa 17 kursi oo ka mid ah baarlamaanka federaalka, iyo sidoo kale laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda federaalka, taas oo siinaysa dadka deegaanka cod muuqda oo saameyn leh oo ay kaga qayb qaataan go’aanada qaran ee Soomaaliya.

Horumarkan ma ahayn mid si kedis ah ku yimid, balse waxa uu ka dhashay dadaal xooggan oo ay samaysay dowladda federaalka, taasoo ujeeddadeeda ka dambaysa ay tahay ballaadhinta ka qaybgalka siyaasadeed iyo xoojinta mabda’a ah: in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay fursad u helaan metaalaad siyaasadeed. Dowladda federaalku waxa ay qaadatay istiraatiijiyad ay aad uga baarandagtay, taas oo fursad lagu siinayo deegaannada lagu muransan yahay, si ay qayb uga noqdaan dowlad dhiska, halkii ay ahaan lahaayeen kuwa rahan u ah kooxaha ku dul hardamaya .

Shaki kuma jiro in dhismaha maamulka  Waqooyi Bari uu burburinayo sheegashooyinka aan salka lahayn ee ku aaddan mashruuca gooni-u-goosadka, isla markaana uu ka badbaadinayo dalka Soomaaliya damacyada xargaha goostay iyo shisheeyaha doonaya in ay si sharci darro ah uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyaga oo aanay shacabka deegaanka ama dowladda dhexe midkoodna aanu war u haynin. Taasina waxa ay ku imanaysa iayada oo fursad loo siiyo  shacabka deegaanka inay doortaan nooca hay’adaha hagaya danahooda maxalliga, iyo siyaasiyiinta ku matalaya heerarka kaladuwan ee dowladda heer gobol iyo heer federal, islamarkaana kula xisaabtamaya mas’uuliintaa iyaga ah ilaalinta kheyraadka dalka, midnimadiisa iyo madaxbannaadiisa, arrinkaa oo ah guul siyaasadeed iyo mid istiraatiijiyadadeed oo muhiim u ah geeddi-socodka dib-u-yagleelidda hannnaka federaalka ee dalka.

Ku dhawaaqista Maamulka Waqooyi Bari, waa  tallaabo muhiim ah, oo ay dhowaan qaadday dowladda Soomaaliya. Maamul-goboleedkan  cusub, waxa uu leeyahay xeeb dhererkeedu tahay ku dhawaad 200km, baaxaad ahaanna ku fadhida 33% dhulka ay sheegato Somaliland iyo 44.1% dhulka ay sheegato Puntland. Maamulkan ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah isbeddellada waaweyn ee dhinacyada  juqraafiga iyo siyaasadda ee ku yimid nidaamka federaalka Soomaaliya ee curdanka ah.

Sidoo kale maamulkan waxa uu astaan u yahay isbeddel siyaasadeed oo dib u jaangoynaya miisaanka metelaadda hay’adaha federaalka Soomaaliya. Maamulkan ayaa helaya ilaa 17 kursi oo ka mid ah baarlamaanka federaalka, iyo sidoo kale laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda federaalka, taas oo siinaysa dadka deegaanka cod muuqda oo saameyn leh oo ay kaga qayb qaataan go’aanada qaran ee Soomaaliya.

Horumarkan ma ahayn mid si kedis ah ku yimid, balse waxa uu ka dhashay dadaal xooggan oo ay samaysay dowladda federaalka, taasoo ujeeddadeeda ka dambaysa ay tahay ballaadhinta ka qaybgalka siyaasadeed iyo xoojinta mabda’a ah: in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay fursad u helaan metaalaad siyaasadeed. Dowladda federaalku waxa ay qaadatay istiraatiijiyad ay aad uga baarandagtay, taas oo fursad lagu siinayo deegaannada lagu muransan yahay, si ay qayb uga noqdaan dowlad dhiska, halkii ay ahaan lahaayeen kuwa rahan u ah kooxaha ku dul hardamaya .

Shaki kuma jiro in dhismaha maamulka  Waqooyi Bari uu burburinayo sheegashooyinka aan salka lahayn ee ku aaddan mashruuca gooni-u-goosadka, isla markaana uu ka badbaadinayo dalka Soomaaliya damacyada xargaha goostay iyo shisheeyaha doonaya in ay si sharci darro ah uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyaga oo aanay shacabka deegaanka ama dowladda dhexe midkoodna aanu war u haynin. Taasina waxa ay ku imanaysa iayada oo fursad loo siiyo  shacabka deegaanka inay doortaan nooca hay’adaha hagaya danahooda maxalliga, iyo siyaasiyiinta ku matalaya heerarka kaladuwan ee dowladda heer gobol iyo heer federal, islamarkaana kula xisaabtamaya mas’uuliintaa iyaga ah ilaalinta kheyraadka dalka, midnimadiisa iyo madaxbannaadiisa, arrinkaa oo ah guul siyaasadeed iyo mid istiraatiijiyadadeed oo muhiim u ah geeddi-socodka dib-u-yagleelidda hannnaka federaalka ee dalka.

Ku dhawaaqista Maamulka Waqooyi Bari, waa  tallaabo muhiim ah, oo ay dhowaan qaadday dowladda Soomaaliya. Maamul-goboleedkan  cusub, waxa uu leeyahay xeeb dhererkeedu tahay ku dhawaad 200km, baaxaad ahaanna ku fadhida 33% dhulka ay sheegato Somaliland iyo 44.1% dhulka ay sheegato Puntland. Maamulkan ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah isbeddellada waaweyn ee dhinacyada  juqraafiga iyo siyaasadda ee ku yimid nidaamka federaalka Soomaaliya ee curdanka ah.

Sidoo kale maamulkan waxa uu astaan u yahay isbeddel siyaasadeed oo dib u jaangoynaya miisaanka metelaadda hay’adaha federaalka Soomaaliya. Maamulkan ayaa helaya ilaa 17 kursi oo ka mid ah baarlamaanka federaalka, iyo sidoo kale laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda federaalka, taas oo siinaysa dadka deegaanka cod muuqda oo saameyn leh oo ay kaga qayb qaataan go’aanada qaran ee Soomaaliya.

Horumarkan ma ahayn mid si kedis ah ku yimid, balse waxa uu ka dhashay dadaal xooggan oo ay samaysay dowladda federaalka, taasoo ujeeddadeeda ka dambaysa ay tahay ballaadhinta ka qaybgalka siyaasadeed iyo xoojinta mabda’a ah: in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay fursad u helaan metaalaad siyaasadeed. Dowladda federaalku waxa ay qaadatay istiraatiijiyad ay aad uga baarandagtay, taas oo fursad lagu siinayo deegaannada lagu muransan yahay, si ay qayb uga noqdaan dowlad dhiska, halkii ay ahaan lahaayeen kuwa rahan u ah kooxaha ku dul hardamaya .

Shaki kuma jiro in dhismaha maamulka  Waqooyi Bari uu burburinayo sheegashooyinka aan salka lahayn ee ku aaddan mashruuca gooni-u-goosadka, isla markaana uu ka badbaadinayo dalka Soomaaliya damacyada xargaha goostay iyo shisheeyaha doonaya in ay si sharci darro ah uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyaga oo aanay shacabka deegaanka ama dowladda dhexe midkoodna aanu war u haynin. Taasina waxa ay ku imanaysa iayada oo fursad loo siiyo  shacabka deegaanka inay doortaan nooca hay’adaha hagaya danahooda maxalliga, iyo siyaasiyiinta ku matalaya heerarka kaladuwan ee dowladda heer gobol iyo heer federal, islamarkaana kula xisaabtamaya mas’uuliintaa iyaga ah ilaalinta kheyraadka dalka, midnimadiisa iyo madaxbannaadiisa, arrinkaa oo ah guul siyaasadeed iyo mid istiraatiijiyadadeed oo muhiim u ah geeddi-socodka dib-u-yagleelidda hannnaka federaalka ee dalka.

Aqoonsiga Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari “Khaatumo”: Milicsi Xaglaha Kaladuwan iyo Macnahooda

Aqoonsiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siisay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya (Khaatumo) waxa uu leeyahay macne siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo qoto dheer, kaasoo ka durugasn aqoonsi rasmi ah oo qura, sababtuna waa isaga oo isbeddel weyn oo tayo leh ku samaynaya qaab-dhismeedka nidaamka federaalka Soomaaliya. Aqoonsigani waxa uu dib u qaabaynayaa miisaanka xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, waxaana lagu soo koobi karaa qodobada hoos ku xusan:

1. Ballaadhinta iyo Xoojinta Sharciyadd Nidaamka Federaalka

Xubinnimada maamulka Waqooyi Bari ee nidaamka federaalka dalka, waxa ay astaan u tahay aqoonsi rasmi ah iyo metelaad ay heleen dadka ku nool deegannada Sool, Sanaag, iyo Cayn, kuwaa oo muddo dheer ka maqnaa masraxa siyaasadda dalka. Arrinkanina waxa uu xoojinayaa in ay tixgelin helaan qaybaha kala duwan ee bulshada, metelaadna ku yeeshaan nidaamka federaalka Soomaaliya, iyadoo la ballaadhinayo hannaanka dawdweynuhu uga qaybqaadanayo siyaasadda dalka, meeshana laga saarayo isu awood sheegashada iyo jaangoynta siyaasadeed ee ku salaysan beelo kooban.

2. Dib u Habeynta Miisaanka Awoodaha Maamul Goboleedyada

Aqoonsiga maamulka cusub ee Waqooyi Bari waxa uu albaabada u furayaa dib u habaynta nidaamka federaalka ee dalka, iyada oo si gaar ah loo tixgelinayo caqabadaha horyaalla maamullada ay kamidka yihiin: Somaliland, Puntland, Jubaland, iyo Hirshabelle. Soo ifbaxa maamul cusub oo federaal ah oo u hogaansan mabda’a midnimada iyo dowlad dhexe oo xooggan waxa uu abuurayaa isla’eg cusub oo xakamaynaysa maamullada kale, dhiirigelinaysana in dib u eegis lagu sameeyo hannaanka awood qaybsiga iyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

3. Xoojinta Kaalinta Dowladda Federaalka ee Ilaalinta  Isudheelitirnaanta Siyaasadeed ee  Dalka

Taageerada Dowladda Federaalka ee maamulka Waqooyi Bari waxa ay muujisay kaalinteeda ku aaddan ilaalinta midnimada dalka iyo in aanay qayb ka ahayn khilaafaadka ka dhex aloosan maamullada dalka. Tallaabadan waxa ay muujisay in dowladda dhexe ay dib u soo ceshatay horseednimadeeda siyaasadeed, taasoo lagaga hortagayo isku dayga maamullada qaarkood ku doonayaan inay ku xadgudbaan awoodda dowlad dhexe iyo  ka gudbidda soohidinta awoodaha dastuurku u xadaynayo maamulladaa.

4. Xadaynta Khatarta Gooni u Goosadka iyo Kala Qaybinta Dalka

Aqoonsiga maamulka Waqooyi Bari waa dharbaaxo siyaasadeed oo burburinaysa qorshaha gooni-u-goosadka ee Somaliland, maadaama uu yahay diidmo sii kordheysa oo ka imanaysa dadka deegaanka ee diiddan gooni u goosashada. Go’aankan istiraatiijiyadeed ee deegaannada Sool, Sanaag, iyo Cayn ay aayahooda kaga tashadeen iyaga oo qayb ka ah nidaamka federaalka, waxa uuna dib u qaabayn ku samaynayaa awoodda siyaasadeed ee dalka, isaga oo burburinaya saldhigyada siyaasadeed iyo kuwa taariikhiga ah ee uu ku taaganyahay dhaqdhaqaaqa taageersan kala goynta dalka.

Sidoo kale, aqoonsigan waxa uu muhiim u yahay in la xakameeyo qorshaha Puntland, oo maamulkeeda xilligan uu u muuqdo mid u adeegaya dano shisheeye oo xaqiijinta danaha ay ka leeyihiin dalka u maraya wadda saamayn taban ku leh midnimada iyo xasiloonnida dalka. Aqoonsiga maamulka Waqooyi Bari waxa uu u muuqdaa dadaal dhab ah oo dib loogu saxayo hannaanka federaalka ee dalka, laguna xakameynayo mashaariicda lagu kala qaybinayo dalka, laguna carqaladeynayo dhismaha dawladnimada, laguna dhaawacayo danaha dalalka deriska ah iyo saaxiibada Soomaaliya ay wadaagaan danaha istiraatiijiyadeed.

Fursadaha Istiraatiijiga ah ee Dowladda Soomaaliya ee Dhismaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari “Khaatumo”

In kasta oo ay jiraan caqabado waaweyn oo horyaalla maamulka Waqooyi Bari, haddana aasaaskiisu waxa uu u abuurayaa Dowladda Soomaaliya fursado istiraatiiji ah oo kaalin mug leh ka qaadanaya dib-u-qaabaynta miisaanka siyaasadeed ee nidaamka federaalka, haddii si wanaagsan looga miradhaliyo qodobbada hoos ku xusan:

  • Dib-u-habaynta Nidaamka Federaalka Soomaaliya

Maamulka Waqooyi Bari waa tillaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday dib u qaabaynta hannaanka federaalka ee dalka, oo halkii haldoorka bulshadu keligood ay ku heshiin lahaayaan dhismaha maamulka, dabadeedna ay maamul aan bulshada laga talogelin dusha looga keeni lahaa, hannaanka lagu soo dhisay maamulka Waqooyi Bari waxa uu alabaabda u furay in dhismaha maamulladu ay noqdaan kuwa ku salaysan wadatashi bulsho oo baaxad leh, arrinkaasina waxa uu sixitaan u noqonayaa qaloocii ragaadiyay hannaanka federaalka ee dalka tan iyo maalinkii nidaamkaa isaga ah dalka laga hirgeliyay. Arrimaha la saxayana waxa ugu muhiimsan; metelaadda bulshada, wadaagista awoodda iyo isudheelitrka bulshada iyo deegaannada kaladuwan ee dalka.

  • Xoojinta Midnimada iyo Wadajirka iyo Ka Fogaanshaha Kalaqaybsannaanta

Sika duwan mashaariicda kale ee siyaasadeed ee ku salaysan dano beeleed oo kooban ama gooni-goosad, maamulka Waqooyi Bari waxa uu ka ambaqaadayaa aragti qaran oo cad, oo ku qotonta midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dib u soo celinta xudduudihii gumeysiga iyo nidaamka takoorka ku salaysan ee qabiilka, taasoo abuuraysa fursad dalka looga hirgeliyo nidaam federaal oo wax kulmiya, isuna dheelitira danaha deegaanka iyo kuwa qaranka.

  • Fursad-siinta Bulshada Deegaanka iyo Isu-dheellitirka Deegaanada Dalka

Aqoonsiga maamulka Waqooyi Bari, iyo hoos u dhaca mashruuca Somaliland, waa dhambaal siyaasadeed oo muujinaya awoodda Dowladda Federaalku u leedahay in ay si cadaalad ah u maamusho dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, una abuurto fusrado siman oo ay kaga qaybqaataan siyaasadda dalka,  islamarkaana mashruuca dalka lagu kala qaybinayo  aanu ahayn qaddar Alle oo aanan waxba laga bedeli karin, balse uu yahay xaalad siyaasadeed oo looga gudbi karo xal siyaasadeed oo ku salaysan metelaad, wada-hadal iyo awooda iyo khayraadka dalka oo si caddaalad ku dhisan loo wadaago.

  • Xoojinta Kaalinta Bulshada ee Dhismaha Dawlada

Khibradda maamulka Waqooyi Bari waxa ay muujineysaa sida dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee bulshada deegaanku hogaaminayso ay awood ugu yeelan karaan in go’aankoodu noqdo mid hirgala oo guulaysta, waase marka uu jiro rabitaan iyo agaasin isku dubbaridan iyo taageero siyaasadeed oo ka timaada dowladda dhexe, taasoo xoojinaysa kaalinta shacabka ee dib-u-dhiska dawladnimada, arinkaa oo imanaya kadib sanado badan oo ay aqoonyahan kooban iyo dowladda dhexe ay ahaayeen kuwa kaalintaa u taagan.

  • Fursad Dib-u-habeyn Ballaadhan ee Nidaamka Siyaasadeed ee Soomaaliya

Aasaaska maamulka Waqooyi Bari waxa uu albaabada u furayaa dood guud oo ku saabsan baahida loo qabo in la hagaajiyo qaab-dhismeedka federaalka, gaar ahaan halbeegyadiisa, isu dheelitirka awoodaha iyo qaababka loo dhisayo maamullada, taasoo keenaysa sameynta sharciyo cusub oo heshiis lagu yahay oo dib u qaabaynaysa xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, oo noqonaya mid ku salaysan iskaashi, wax-wada-qabsi iyo sinnaan.

Caqabadaha Horyaalla Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari “Khaatumo”

In kasta oo ay jiraan taageero siyaasadeed iyo mid bulsho oo xooggan oo la socota aqoonsiga maamulka Waqooyi Bari, haddana xoojinta kaalintiisa uu ku leeyahay nidaamka federaalka ee dalka, waxaa horyaalla caqabado waaweyn oo dhanka qaab-dhismeedka iyo siyaasadda ah, kuwaas oo kala ah:

  • Koobnaanta Khibradda Dhanka Hay’adaha iyo Maamulka

Maamulka Waqooyi Bari, waa mid cusub oo weli hay’adihiisa  sharci dejinta iyo fulintu aanay dhameystirmin, sidoo kalena waxa uu la tacaalayaa helitaanka hawlwadeen aqoon iyo khibrad u leh, hogaaminta maamul cusub oo curdan ah  oo ilaashan kara taageerada maamulku helay, dhanka kalana hormuud ka noqon kara dib-u-dhiska deegaan ay dagaallo aafeeyeen, iyadoo ay jirto koobnaanta dhaqaalaha la heli karo iyo taageerada joogtada ah ee looga baahan yahay dowladda federaalka.

  • Amniga iyo Xasiloonida Siyaasadeed

Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, weli waxaa ku hareeraysan khataro amni oo isuga jira diidmada maamulka Somaliland uu ka muujiyay dhismaha maamulkan, taasoo isu rogi karta hawlgal ciidan oo lagaga hortagayo hanaqaadka maamulka iyo hanjabaado laga filan karo Puntland. Sidaa darteed, sugidda amniga iyo u diyaarsanaanta ka hortagga khatarahaa iyaga ah waxa ay muhiim u yihiin badbaadada iyo jiritaanka maamulka. Maadaama baahinta awoodda maamulka ee deegaanadaas ay qaadanayso waqti, taasoo ay ka dhalanayso feejignaan iyo diyaargarow joogto ah oo dhanka amniga ah, arrimahaa oo ay tahay in xisaabta lagu darsado, maada

  • furdaamintooda ay lamahuraan u tahay xoojinta sharciyadda maamulka ee deegaanadaa.

Inkastoo maamulka Waqooyi Bari, uu u muuqdo mashruuc qaran oo wax mideynaya, haddana asal ahaan waxaa saldhig u ah qabiillada Dhulbahante iyo Warsangeli. Arrinkasina waxaa uu hoggaanka siyaasadeed ee maamulka waajib kaga dhigayaa inuu abuuro wacyi siyaasadeed oo ka tallawsan xayndaabka qabiilka, isla markaana uu bed u helo kala duwanaanshaha bulsho ee ka jira deegaanka  iyo in dhammaan dadka deegaanku matalaad ku yeeshaan maamulka, taasoo looga hortagayo kala qaybsanaantii hore u dhacday, islamarkaana albaabada u furaya in mustaqbalka uu qabsoomo wadahadal dhexmara beelaha ood-wadaaga ah si loo helo xal wadajir ah oo waara.

Koobnaanta Taageerada Maaliyadeed iyo Siyaasadeed ee Dowladda Federaalka

Aqoonsiga dowladda federaalku siisay maamulka Waqooyi Bari, ma aha mid keligii  ku filan xaqiijinta guulaha laga filanayo maamulkan, balse waxaa loo baahan yahay taageero dhab ah oo isugu jirta maalgelin dabooli karta baahiyaha maamulka, adeegyo farsamo, sare u qaadidda karaanka hay’adaha sharciyeed iyo kuwa maamul. Arrinkaa oo ku xidhan natiijada ka soo baxda shirka xilligan ka socda Laascaanood, kaasoo la filayo in lagu soo dhiso maamul leh sharciyad xooggan iyo metelaad ballaadhan, kaa oo soo jiidan kara taageerada  beesha caalamka, albaabadana u furi kara in maamulku helo kaalmada uu u baahan yahay, intii suuragal ah.

Diidmada Maamullada Somaliland iyo Puntland

Maamulka Waqooyi Bari, waxa uu wajahaya diidmo cad oo kaga imanaysa Somaliland iyo mid dabacsan oo aad uga muuqata Puntland, iyada oo labada maamulba ay u arkaan in deegaannada laga sameeyay maamulka Waqooyi Bari ay qayb muhiim ah  ka yihiin maamulladooda; bulsha ahaan iyo siyaasad ahaanba. Diidmadaas waxaa ka dhalan kara  culaysyo siyaasadeed iyo kuwa ciidan oo lagu daciifinayo maamulka cusub iyo carqalado lagu sameeyo maalgashiga uga iman lahaa gudaha iyo dibadda dalka.

Gunaanad

Maamulka Waqooyi Bari, waa khibrad siyaasadeed oo cusub, lehna macno taariikhi iyo astaan aan ku koobnayn xuduudihiisa juquraafiyeed, waana fursad muhiim ah oo lagu hagaajin karo nidaamka federaalka, laguna xoojin karo midnimada Soomaaliya. Maamulkan waxa uu  samaysmayaa iyada oo dadweynuhu ka daaleen qaababka federaal ee dalka lagu dhaqayay sannadihii tegay, waxa uuna soo bandhigayaa tusaale cusub oo ka tarjumaya rajada iyo himilooyinka bulshooyinka dayacan ee doonaya in ay helaan metelaad, cadaalad iyo horumar isudheelitiran

Inkasta oo caqabado badan horyaallaan, haddana maamulka Waqooyi Bariwaxa uu abuurayaa fursad dib-u-habayn loogu sameeyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada iyadoo la xoojinayo midnimo iyo qaranimo heshiis lagu yahay, taasoo xaqiijinteeda lagu gaari karo jiritaanka rabitaan siyaasadeed oo dhab ah oo looga

gudbayo danaha gaarka ah ee aadka u hooseeya, hannaanka federaalkana loo adeegsado aalad lagu xoojinayo dhismaha hannaanka dowladnimo ee dalka, ee aanan loo adeegsanaynin hannaan sad-bursi oo awoodda lagu hananayo.

Maamulka Waqooyi Bari, ma aha maamul-goboleed qura, balse waa fursad dib-u-qaabayn loogu samaynayo qaab-dhismeedka qaranka Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee deegaanada kala duwan ee dalka, lana ilaalinayo midnimada Soomaaliya oo ay aabayaasheen ee awoowayaasheen u soo halgameen. Ku biirista maamulka Waqooyi Bari ee nidaamka federaalka dalka, waa tallaabo muhiim ah oo meesha looga saarayo kala-qaybsanaanta u dhaxaysa Waqooyi iyo Koofur.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan keligeed ma aha mid ku filan xoojinta midnimada iyo qaranimada dalka, haddii aan  nidaamka federaalka dib loogu celin dhismo ku saleeysan qiyam qaranimo oo sal adag, lagana gudbin kala qaybsanaanta deegaannada iyo beelaha, lana guntin heshiis bulsho oo cusub oo danaha qaranka ka dhigaya qodobka koowaad ee hortabyada leh, isla markaana aan federaalka loo isticmaalin aalad lagu hirgaliyo hoggaan hufan iyo midnimo, ee aan loo adeegsan mid horseeda burbur iyo kala qaybsanaanta.

Tixraac

Dukumiintiyada Rasmiga ah

  1. Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu ansixiyey shirweynaha dastuurka, Muqdisho, Agoosto 2012.
  2. Heshiisyada aas-aaska dowlad-goboleedyada federaalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, kayd rasmi ah 2013–2023.
  3. Bayaan ku saabsan ku dhawaaqista aasaaska Maamulka “Khatumo”, shirweynaha “Laascaanood”, Juun 2023.

Buugaag iyo Daraasado

  • Ḥasan Makkī Muḥammad Aḥmad, “al-Siyāsāt al-Thaqāfīyah fī aṣ-Ṣūmāl al-kabīr”, (al-Kharṭūm Dār al-Markaz al-Islāmī, 1990 M).
  • Lewis, I. M. A Modern History of the Somali: Nation and State in the Horn of Africa. )Ohio University Press, 2002(.
  • Hoehne, Markus V. Between Somaliland and Puntland: Marginalization, Militarization and Conflicting Political Vision. (Rift Valley Institute, 2015).
  • Menkhaus, Ken. State Failure, State-Building, and Prospects for a “Functional Failed State” in Somalia. (The ANNALS of the American Academy of Political and Social Science, 2004).

Maqaallada

Maxamed Sulaymaan Cabdullaahi, “Gobolka ‘Khatumo’… Xarunta Khilaafka Soomaaliya”, Warqad Siyaasadeed, Machadka Sare ee Daraasaadka Ammaanka, 2025.

Warbixinnada Ururrada Caalamiga ah

9. United Nations Monitoring Group on Somalia and Eritrea. Report on Somalia, 2021, 2022.

10. International Crisis Group. Somalia and the Perils of Electoral Politics, (Africa Briefing No. 180, March 2022).

11. African Union Mission in Somalia (AMISOM). Annual Security Assessment, 2023.

Internetka

  1. BBC Somali – Warbixinno kayd ah oo ku saabsan horumarka Laascaanood iyo Khatumo, 2022–2024.
  2. Al Jazeera English & Somali – Warbixinno goob-joog ah oo ku saabsan colaadda Sol iyo Sanaag.
  3. Hiiraan Online – Maqaallo aragti iyo baaritaanno siyaasadeed, gaar ahaan intii u dhaxaysay 2021–2023.
  4. Garowe Online – Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan Puntland iyo Khatumo, gaar ahaan xilli ay jirto xaalad siyaasadeed oo adag.