GUUDMAR
Waraaqdaan waxay ka hadlaysaa Sahan-cilmiyeedkii wadajirka ahaa ee ay wada sameeyeen Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti 1971-1972 (The Somali-Soviet Expedition of 1971-1972) ee ay qortay Lyubov Ivanova oo ka tirsan Institute of World History oo hoos taga Akaddeemiyadda cilmiga ee Ruushka. Ujeedka iyo gundhigga qormadan waa soo bandhigidda taariikhda, duruufaha, howlaha iyo ahdaafta guud ee laga lahaa sahankaas oo ahaa kii ugu horreeyay uguna dambeeyay ee noociisa ah. Qormada waxaa ay sidoo kale xogo qota dheer naga siineysaa sooyaalka xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada dhaqanka iyo taariikhda ee Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti laga bilaabo tan iyo madaxbanaanidii Soomaaliya 1960 kii. Waxaa intaas dheer oo ay qormada dhinacyo kala duwan ka eegi doontaa dadaalladii iyo isku dayadii sahan ee uu Midowgii Soofiyeeti ka sameyay Soomaaliya iyo cabaqadihii hortaagnaa hirgelintooda. Qoraaga iyada oo adeegsanaysa qormooyinkii iyo xusuus qorradii qaar kamid ah dadkii ugu muhiimsanaa ee sahanka door ku lahaa ayaa waxaa ay si baaxad leh u soo bandhigaysaa intii karaankeeda ah xogta ku hareereysan mowdduucan. Inta lagu gudajiro akhrinta qormadan, qoraaga waxa ay uga jawaabi doontaa su’aalo muhiim u ah mowdduuca oo ay ugu horreeyaan, yaa iska lahaa fekradda sahankan cilmiyeed? Muxuu ahaa hadafka ugu dambeeya ee laga lahaa? Caqabadihii ku horgudbanaa ka hor iyo kaddib sahanka, sababihii fududeeyay in kacaankii dhashay 1969 kii uu durba u hollado hirgelinta mashruucaas, iyo halkii ay ku dambeeyeen dadaalladii dib boorka looga jafayay xiriirka dhanka dhaqanka iyo taariikhda ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti.
HORUDHAC
Qormadan waxa ay soo bandhigeysaa sooyaalka xiriirka dhaqan iyo taariikheed ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti, laga soo bilaabo tan iyo xorriyaddii Soomaaliya 1960 kii, iyada oo qaadaa dhigeysa isku dayadii kala duwanaa ee loo qaaday hirgelinta sahan-cilmiyeed wadajir ah oo labada dal ay wada fuliyaan.
Isku dayada sahan-cilmiyeed waxaa uu qeyb ka ahaa qorshayaal soo tixnaa tan iyo horaantii lixdameeyada oo ay hormuud u ahayd Akaddeemiyaddii cilmiga ee Midowgii Soofiyeeti gaar ahaan mac-hadkiisii daraaseynta Afrika. Qormadan waxa ay dacallo kala duwan naga tuseysaa loollankii u dhexeeyay quwadaha waaweyn ee ku loollamayay Soomaaliya iyo tartankii ay ugu jireen hanashada dhanka dhaqanka iyo taariikhda, tusaale waxa ay faafaahin buuxdo ka bixineysaa dowladda Ingiriiska iyo doorkeedii Soomaaliya. Midowgii Soofiyeeti iyo heshiisyadii iskaashiga dhinacyada dhaqanka iyo taariikhda ee uu la gaaray Soomaaliya iyo wixii la hal-maala. Markale waxaa ay qormada na deeqsiineysaa sidii ay dowladihii rayidka ahaa uga dhex kaluumeysteen hirarkii iyo duufaannadii uu watay dagaalkii qaboobaa ee ay la kowsatay dowladnimadii curdinka ahayd ee Soomaaliya.
Waxaa intaas dheer oo ay qormada si gun ah u qaadaa dhigi doontaa isku dayadii sahan-cilmiyeed ee la sameeyay ka hor sannadkii 1969-kii, caqabadihii iyo howlihii hirgalay. Curashadii kacaanka iyo oggolaashiyihii qorshaha sahanka. Dardaarankii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre u jeediyay aqoonyahankii sahanka hormuudka u ahaa iyo qorshaha iyo fulintii mashruucii sahan cilmiyeedka.
Sidaas oo kale qoraaga waxaa ay si dul ka xaadis ah uga hadleysaa cilmi baarisyadii lagu soo bandhigay buuggii laga qoray sahanka; natiijadii iyo wax soo saarkii kasoo baxay iyo caqabadihii diiday in markale sahan wadajir ah ay qabtaan labada dal iyo ugu dambeyn halkii ay ku dambeeyeen dadaalladii dib amaamudidda suurtagalnimada xiriir dhanka dhaqanka ah oo dhexmara labada dal.
Qormadan waxa ay markale diiradda saareysaa oo ay ka jawaabeysaa xog yarida baahsan ee ka jirta mowdduuca daraaseynta xiriirka dhaqan iyo taariikheed ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti, iyada oo si gaar ah u faaqideysa sahankii-cilmiyeed ee wadajirka ahaa ee ay wada sameeyeen labada dal.
Ugu dambeyn qormadan waxa ay qormooyinka kale ee nooceeda ah kaga duwan tahay in qoraaga uu fursad u helay isha iyo luuqadda koobaad ee ugu badan ee ay ku qoran yihiin wax soo saarkii sahanka oo ah luuqadda Ruushka, haddana isla qodobkaas waa gaabis kamid ah gaabisyada laga dhugan karo qormada, maaddaama qoraaga uu keliya xoogga saaray daraaseynta iyo soo bandhigidda xogta Af Ruushka ku qoran islamarkaana uusan dhanka Soomaalida wax xogo ah oo la taaban karo uusan kasoo xigan.
Iskudayadii Sahan-cilmi ee la Sameeyay Sannadihii Lixdamaadkii (1960s)
Soomaaliya oo madax banaanideeda ka qaadatay dowladihii isticmaarka sannadkii 1960 kii, xilli uu cirka marayay Dagaalkii Qaboobaa, waxaa horyaallay xujooyin diblomaasiyadeed oo ay ugu horreysay yagleelidda siyaasad arrima dibadeed oo isku dheelitiri kartay danaha awoodaha waa weyn ee isku herdinayay saaxadda siyaasadda caalamka.
Si kasta oo ay quwaduhu u loollamaan, aragtida ugu weyn ee lagu dhisay dowladnimadii curdinka ahayd ee Soomaaliya waxa ay ahayd ‘raadinta Soomaali Weyn’ taas oo xisbigii talada hayay ee S.Y.L. uu u halgamayay dhowr iyo tobankii sano ee ka horreysay madaxbanaanida. Si hirgelinta aragtidaas ay u hesho taageero caalami ah, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Cabdirashid Cali Sharmake ayaa kaalmo militeri weyddiistay Midowgii Soofiyeet 1961, taas oo ahayd dhaqaaq diblomaasiyadeed oo taariikhi ah. Xiriirkaas ka bilowday kaalmada militeri waxaa uu yeeshay dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreeyaan iskaashiga dhanka dhaqanka iyo taariikhda ee labada dal. (Telepneva, 2019).
Si ay culeys siyaasi ah u saaraan dowladda Ingiriiska, Soomaaliya ayaa u jartay xiriirka diblomaasiyadeed dowladda Ingiriiska, iyaga oo ku eedeeynayay in ay ‘ka hiillisay islamarkaana ay gacan bidixeysay’ qaddiyadda gobolka NFD. Talaabadan waxa ay sii bulaalisay joogitaankii Midowgii Soofiyeeti ee Soomaaliya waxaana wakhtiyadaas ay labada dhinac gaareen iskaashiyo iyo heshiisyo nuxur sare lahaa. (Telepneva, 2019).
Sida qoraaga faalladan Lyubov Ivanova ku sheegeyso qormadan, bilihii March iyo April 1963 kii waxaa ay labada dal kala saxiixdeen heshiiskii iskaashiga dhaqanka kaas oo nuxurkiisu ahaa in labada dal ay si wadajir ah uga shaqeeyaan kobcinta iyo horumarinta dhinacyada dhaqanka iyo taariikhda.
Heshiiskaas shakhsiyaadkii ugu mudnaa ee hirgalintiisa doorka ka qaatay waxaa ku jiray Sergey R. Samirnov oo ahaa aqoonyahan iyo cilmi baare Midowgii Soofiyeeti u dhashay islamarkaana wakhti badan ku bixiyay daraaseynta iyo soo bandhigidda taariikhdii dhaqdhaqaaqii Mahdiyiintii Sudan. Markii la kala saxiixday heshiiska, Samirnov waxaa uu soo jeediyay hindise lagu hal abuurayo sahan-cilmiyeed ay iska kaashadaan labada dal, ujeedkiisuna yahay in cilmi baaris qota dheer lagu sameeyo taariikhda dhaqdhaqaaqii Daraawiishta iyada oo laga eegayo xagal ka duwan tan ay reer Galbeedka ka istaageen Sayyidka iyo xertiisa taas oo ahayd in ay u arkeen ‘wadaad waalan’ oo rabshoole ah (R. Smirnov’s Diaries. Author’s archive). Sida qoraagu sheegayo, Samirnov waxaa uu aad u naqdiyay taariikhyahankii reer Ingiriis ee J. Jardine ee qoray buuggii ‘The Mad Mullah of Somaliland’ isaga oo ku tilmaamay in ay taasi ahayd aragtida ay gumeystaha ka heysteen dhaqdhaqaaqii xorriyad u dirirka ahaa ee Darawiishta (R. Smirnov’s Diaries. Author’s archive).
Si uu u indha indheeyo Soomaalida iyo xagasha ay ka istaagan yihiin dhaqdhaqaaqii Daraawiishta, Samirnov waxaa uu sameeyay xooraansi iyo baaritaan uu ugu kuurgalayay in wax uun xogo qoran laga helo xagasha ay Soomaalidu ka taagneyd dhaqdhaqaaqii Daraawiishta, nasiib darro se sida uu xusuus qorkiisa ku sheegay Samirnov waa la waayay wax macno leh oo qoran kuna saabsan Sayyidka iyo dhaqdhaqaaqiisii Daraawiishta.
Intii uu xoraansiga noocaas ah ku jiray, sida uu qoraagu soo tebinayo, Samirnov waxaa tarjumaan looga dhigay AUN taariikhyahankii iyo luuqad-aqoolkii Soomaaliyeed ee Muuse Xaaji Galaal oo ka caawiyay in uu la kulmo qaar kamid ah ehellada, saaxiibbadii iyo tarantii Daraawiishta si uu xog dhammeystiran u helo. Wallow uusan helin filashadii uu ka qabay, haddana faduusha ah in uu daraaseeyo mowdduuca daraawiishta weliba iyada oo lagu eegayo indha aan ahayn kii gumeystaha waxa ay ahayd mid uusan ka niyad jebin xitaa markii uu dib ugu noqday Moscow.
Sannadkii xigay, iyada oo aysan weli hirgelin qorshaha sahan-cilmiyeed laga sameeyo Soomaaliya, Markale dareenkaas waxaa dogobyo sii saaray AUN Janaraal Daa’uud Abdulle, taliyihii hore ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo mac-hadka daraasaadka Afrika ee Midowgii Soofiyeeti kula kulmay Samirnov. Jeneral Daa’uud waxaa uu ku kordhiyay fekrad ah in isbarbar dhig loo sameeyo Daraawiishta iyo dhaqdhaqaaqii Mahdiyiintii Suudaan, taas oo Samirnov aad usoo jiidatay (R. Smirnov’s Diaries. Author’s archive).
Haddaan dib u noqonno safarkiisii Soomaaliya, Samirnov waxaa uu ka diyaariyay warbixin dhammeystiran oo uu la wadaagay dowladdiisa. Dhacdooyinka uu weriyay waxaa kamid ah in ay isku soo beegmeen imaanshiyihiisa iyo bandhig dhaqan oo ay safaaraddii Soofiyeeti ee Muqdisho soo qaban qaabisay. Nasiib darrada se uu werinayo waa in la waayay agab dhaqan oo ku filan
bandhiggaas, caksiga waxaa uu weriyay in Ingiriiska uu aad u maalgashtay dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida, waxaana uu xusay in uu door ka qaatay mashruucyada dhismaha Madxafka qaranka, Maktabadda Qaranka iyo Keyd Qaran oo taariikhda lagu keydiyo. Waxaa uu sidoo kale ugu deeqay Soomaaliya agabyada lagu baadigoobo taariikhda iyo agabyo kala oo muhiim u ah keydinta afka iyo suugaanta Soomaalida. Waxaa intaas dheer oo uu Samirnov dowladdiisa la wadaagay doorka mac-hadka daraasaadka Afrika ee jaamacadda London uu ka qaatay maalgashiga aqoonyahannada soo koraya ee Soomaaliya iyaga oo siinaya minxooyin waxbarasho oo Ingiriiska ah. Sidaas oo kale waxaa uu soo hadalqaaday doorka aqooyahanka reer Ingiriis ee I.M.Luwis uu ka qaadanayay cilmi baarista uu ugu sugnaa dalka tan iyo saddex sano ka hor wakhtigaas, isaga oo ku booriyay dowladdiisa in ay ahmiyad siiso daraaseynta dalkan dihan, sida uu qoraaga qormada sheegayo.
Kaddib warbixintaas, siyaasadda Soofiyeet ee ku aaddan Soomaaliya waa ay is baddashay. Waxaana bilowday daneyn dhanka dhaqanka iyo bulshada oo ay hormuud u ahaayeen warbaahinta iyo aqoonyahanka Midowgii Soofiyeeti. Wakhtiyadaas waxaa hirgalay filimaan iyo taxanayaal warbaahinta Soofiyeed ku ka sameyeen Soomaaliya. Filimadii soo baxay xilliyadaas waxaa kamid ah “The Country on the Equator (1964)”, “Good Morning, Somalia! (1968),” “The Sun above Somalia (1970), “USSR – Somalia: the friendship is getting stronger (1974)” iyo qaar kale oo loo wada tarjumay luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriiska. (AVP RF, n.d., F. 581, Op.5, P.3, D.10, L.37).
Talaabadii xigto waxa ay ahayd bixinta minxooyin waxbarasho oo Midowga Soofiyeeti ugu deeqay ardayda Soomaaliyeed taas oo fursad wanaagsan u siisay in uu bilowdo is dhexgal aqoonyahan oo labada dhinac ah (Ivanova, 2019)
Sidaas ayaa uu ahaa xiriirka Soomaaliya iyo Soofiyeeti illaa laga soo gaaro October 1969 xilligaas oo uu talada dalka la wareegay kacaankii uu hoggaaminayay AUN Maxamed Siyaad Barre.
Sida uu qoraagu ku sheegayo qormada, Smirnov intii uu joogay Muqdisho waxaa uu jeediyay cashar ku saabsan Daraasadda Afrika iyo Midowgii Soofiyeeti, balse nasiib darro ma calfan in uu goobjoog u ahaado filashadiisii ahayd in mar uun sahan-cilmiyeed uu Soofiyeedka hoggaaminayo laga hirgeliyo Soomaaliya, waayo waxaa uu dhintay laba sano ka hor inta aan la daahfurin mashruuca oo ku beegneyd sannadkii 1969 kii.
Sannadkaas uu dhimanayo Samirnov waxaa jiray isku day lagu doonayay in Soviet Encyclopedia ay ku qorto qaamuus Af Soomaali iyo Af Ruush ah kaas oo dhib badan laga mutay hirgelintiisa. Waxyaabaha se cajiibka ah waxaa kamid ah in Qaamuuska la doonayay in la qoro lagu qoray Af Soomaali xarfaha la isticmaalayna ay ahaayeen xarfaha Laatiinka ee uu hadda Af Soomaaliga ku qoran yahay, kaas oo laba sano kaddib uu Kacaanku meel mariyay (D.I. Stepanchenko & M.X. Osman, 1969)
Curashadii Kacaanka
Subixii October 21-keedii, 1969kii, Soomaalidu waxa ay ku waabbariisteen afgembi aan dhiig u ku daadan oo uu xukunka kula wareegay ciidanka qalabka sida, waxa ayna ku dhawaaqeen curashada kacaan uu hoggaamin doono taliyihii ciidanka qalabka siday AUN Sareeye Guuto Maxamed Siyaad Barre. Bilashada kacaanka waxaa ay sidoo kale bilkheyr u ahayd xiriirkii Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti. Fekraddii ku dhawaad tobanka sano soo jiitameysay ee hirgelinta sahan-cilmiyeed wadajir ah oo ay wada sameeyaan Soomaalida iyo Midowgii Soofiyeeti waxa ay soo gaartay wakhtigeeda. Labada dowladood ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay hirgelinta sahan cilmiyeedkaas wadajirka ah sannadkii 1971-kii.
Akaddeemiyadda Cilmiga iyo Suugaanta Midowgii Soofiyeeti oo sutida u heysay mashruuca iyo qorshihiisa ayaa Soomaaliya usoo dirtay dhowr khubarro oo Soomaaliya daraaseeya. Khubarradu waxa uu qorshahoodu ahaa in ay daraaseeyaan dhinacyada taariikhda iyo dhaqanka bulshada Soomaalida, degellada, dhaqaalaha iyo dhanka Jiyoolojiyada, si xog dhammeystiran looga helo Soomaalida.
Ujeeddooyinka waa weyn ee laga lahaa sahan-cilmiyeedkan waxaa ugu qota dheeraa xoojinta joogitaanka Midowgii Soofiyeeti ee gobolka Geeska Afrika iyada oo la adeegsanayo saameynta Aydiyolojiyadeed. Sidaas oo kale Soofiyeedku waxaa ay Soomaaliya ka caawinayeen hirgelinta taariikh cusub oo liddi ku ah quwadaha reer Galbeedka oo ay is hayeen, taariikhdaas waxa ay u arkayeen in ay fursad diblomaasiyadeed iyo mid aydiyolojiyadeedba siin karto joogitaankooda Soomaaliya.
Si loo abuuro loona qarameeyo taariikhdaas, waxaa la doortay in saldhig looga dhigo taariikhda dhaqdhaqaaqii Daraawiishta ee uu hoggaaminayay AUN Sayyid Maxamed Cabdulle Xasan. Sidoo kale waxaa la doortay in la weyneeyo dhammaan dhaqdhaqaaq kasta oo Soomaaliyeed ee reer Galbeed ka la diriray, laga soo bilaabo halgankii AUN Axmed Gurey ilaa lagu keeno halgankii qalinka ku hubeysnaa ee dhallinyaradii SYL.
Kacaanka oo qudhiisa u arkayay fursad mar la arag ah yagleelidda taariikh cusub oo Soomaaliyeed, sheekada ay ku dhisan tahayna ay tahay Halgannadii Reer Galbeed-diidnimada ee Soomaaliyeed waxaa uu baritaaray oo kal iyo laab ah u soo dhaweeyo dadaallada Akaddeemiyadda Cilmiga ee Midowgii Soofiyeeti ugu jirtay hirgelinta sahankaas.
Khubarradii Sahanka
Si loo guda galo loogana jibba keeno sahanka, Akaddeemiyadda Cilmiga ee Midowgii Soofiyeeti ayaa diyaarisay dhowr khubarro oo taqasusyo kala duwan leh si ay cilmi baaris dhowr jiha ah u sameeyaan dhulka Soomaalida.
Haddaba sahanka-cilmiyeedka waxaa madax u ahaa Kosukhin Nickolay D.(1932-2014) oo ahaa madaxii waaxda Aydiyolojiyadda ee Mac-hadka daraasaadka Afrika ee Soofiyeet. Waxaana khubarrada kale ay kala ahaayeen:-
- Kupriyanov Petr. oo ku takhasusay caqabadaha heysta bulshooyinka Raacato-beeraleyda iyo sameysanka dabaqadaha bulsho ee Afrika ( 1925 – ).
- V. Nikiforov Alexander oo ku takhasusay caqabadaha heysta raacato-beeraleyda iyo qaab sameysanka bulshooyinka asal raaca ah ee Bariga Afrika (1937-2004)
- P. Gorodnov Valentin oo ku takhasusay culuumta siyaasadda iyo sameysanka dabaqadaha bulsho ee Koonfur Afrika (1929-2009)
- S. Sherr Evgeniy oo isna xeeldheere ku ahaa Aydiyolojiyadda iyo qaran dhiska Afrika.
- Dhanka kale, waxaa loo xilsaaray in ay matalaan Soomaaliya islamarkaana ay la shaqeeyaan khubarradaas aqoonyahannada kala ah:-
- AUN Aw Jaamac Cumar Ciise oo ahaa taariikhyahan iyo qoraa buugaag dhowr ah ka qoray taariikhda Soomaalida.
- Saciid Axmed Warsame oo ahaa degel-baare (Archeologist) kasoo aflaxay jaamacadda Leningrad state. ((AVP RF, 1964)
Hanaankii iyo Qorshihii Sahanka
Iyada oo laga ambaqaadayo qorshayaashii dardargelinta howlaha ahmiyadda u lahaa sahanka ayaa waxaa la qorsheyay in sahanku yeesho xog uruurin iyo degel-daraaseyn (field study) lagu sameynayo dadkii iyo deegaankii muhiimka u ahaa dhaqdhaqaaqii Daraawiishta.
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo hormuud u ahayd fududeynta iyo habsami u socodka sahanka iyada oo kaashaneysa khubarrada waxaa la isla qaatay in la qabto howlaha soo socda:-
- Wareysiyo:- In lasoo wareysto inta ka nool raggii Daraawiishta
- Baadigoob Gabayo: In la raadiyo gabayadii Sayyidka iyo intii Darawish ee gabayday
- Raadinta Ehelladii Sayyidka
- Degel-daraaseyn :- In la booqdo goobihii Sayyidku deggenaa iyo deegaannadii uu maamuli jiray.
- Degel-Baaris In laga sameeyo degel baaris qalcadihii iyo dhufeysyadii uu ku noolaa (waxaa shaqadaas loo igmaday laba Jiyoloji-yaqaan ee Kozerenko V.N. and Savadsky (The Notes of the Expidetion).
Casuumaaddi Siyaad Barre
Bishii September 1971, madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa casuumaad u fidiyay xubnihii sahanka isaga oo ku guubaabiyay ahmiyadda howlsha ay u kaceen iyo sida ay Soomaalidu muhiim ugu tahay shaqadaas.
Madaxweynaha oo ku khudbeynayay luuqadda Taliyaaniga ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta nidaamka hantiwadaagga cilmiga ku dhisan ee uu dalka wakhtiyadaas qaatay. Waxaa uu sidoo kale kula dardaarmay aqoonyahanka in aysan noqon wax uu ku tilmaamay ‘Aqoonyahanka Burjawaasiyiinta ah’ baddalkana looga fadhiyo hirgelinta howl wax ku ool ah. (AVP RF, 1971)
“Waxa aan idinkula dardaarmayaa, in aydan raacin hanaankii aqoonyahankii Burjawaasiyiinta ay u baarayeen taariikhda Soomaalida. Waa ay ka been sheegeen Soomaalida. Waxa ay aruuriyeen walax iyo agabyo aan macno lahayn, waxa ay ka raadiyeen caddeymo taariikheed ka raadiyeen goobo khaldan. Iyaga oo sawir xun ka gudbinaya waaqaca iyo xaqiiqada Soomaalida. Waa in aad ka duwanaataan, keliya xaqiiqda soo bandhiga” ayaa uu kula dardaarmay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. (AVP RF, 1971)
Casuumaadda madaxda waxaa u dheeraa in sahanka loo sameeyay safarro gaagaaban oo dhul barasho ah oo Xamar iyo Xamar dayaba ay ku tageen si ay macluumaad u helaan. Markii ay dhammeysteen joogitaankoodii Xamar, wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa u dirtay sahanka safar bilowgiisa ku wajahnaa Hargeysa, kaddib Burco, Laascaanood, Taleex iyo qeybo badan oo kamid ah dhulka Wuqooyi si loo soo uruuriyo xogaha iyo macluumaadka muhiimka u ahaa cilmi baarista.
Natiijadii Sahanka
Sida aan soo sheegnay sahanka waxaa uu ahaa cilmi baaris wadajir ah oo dhowr dhinac baaritaan looga sameynayay taariikhda iyo bulshada Soomaaliyeed. Sida lagu daabacay buugga The Notes of the Expedition sahanka waxaa uu wareystay oo qoraallo farguri ah ka guddoomay islamarkana gabayo iyo sheekooyin ka duubay rag ay kamid ahaayeen Daahir Afgarshe, Axmed Cabdullahi, Axmed Cartan iyo odayaal kale oo xog ogaal u ahaa taariikhda Sayyidka iyo dhaqdhaqaaqii Daraawiishta. Wadajirka A. Nikiforov iyo Saciid Warsame ayaa waxaa ay degel-baaris Aarkiyolojiyadeed ka sameeyeen godad ku yaallay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag, halkaas oo ay kala kulmeen natiijooyin ashqaraar leh, waxaana lagu daabacay xogta natiijadooda buugga The Notes of the Expedition. Sidoo kale waxa ay buugga ku darsadeen cutub ay uga hadlayaan Sheeka dhaqameedka iyo Nolosha Soomaalida. (The Notes of the Expedition).
P. Kupriyanov ayaa isna buugga ku daabacay cutub uu ugu magac daray Caqabadaha Raacato-beeraleyda Soomaalida. Kaas oo uu uga sheekeyay duruufaha nololeed iyo tan farsamo ee ay la daalaa dhacayaan beeraleyda Soomaaliyeed. (The Notes of the Expedition). Markale, A. Nikiforov waxaa buugga ku yeeshay cutub uu uga hadlayo Mushkiladaha Bulshada Reer Miiyga Soomaaliyeed. Si lamid ah Kupriyanov, Nikiforov waxaa uu si qota dheer u faaqidayaa waayaha nololeed ee reer miiyga Soomaaliyeed kuwaas oo abaaro iyo duruufo kala duwan ay la dageen.
Aqoonyahan N. Kosukhin ayaa qalinka u qaatay laba cinwaan oo kala ah Kacaankii 1969 iyo Aydiyolojiyadda Hantiwadaagga Cilmiga ku Dhisan ee Soomaaliya iyo ‘Cilmi Baarista Bulsheed ee laga Sameeyo Shaqaalaha iyo Dhallinyarada Soomaaliyeed’.
Waxaa isna cinwaan ahaan u qaatay ‘Qaab Dhismeedka Dowladnimada Soomaaliya’ cilmi baare E. Sherr kaas oo ka diyaariyay warqad dhammeystiran kuna soo baxday buugga The Notes of the Expedition.
Halka Jiyolojistayaasha kala ah Kozerenko, Lartsev iyo Savadsky ay iska kaashadeen cutub muhiim ah oo ay cinwaan uga dhigeen ‘Ilaha Macdan ee Dhulka Soomaalida’ kaas oo ahaa mid kamid ah cutubyadii ugu xeer dheeraa buuggaas lagu faafiyay qormooyinkii cilmi baariseed ee sahan-cilmiyeedkii wadajirka ahaa ee dowladaha Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti. (The Notes of the Expedition).
Daraasaddaas dhinacyada badan taabaneysay ee aqoonyahanka labada dhinac ay sida wadajirka ah ugu soo bandhigeen buugga laga qoray sahanka ayaa ahayd bar bilow la isla afgartay in horey looga sii wado si loo gaaro natiijooyin intaas ka guda balaaran oo wax ku ool ah. Hasa yeeshee sidaas ma dhicin oo sahankaas waxaa uu ahaa kii ugu horreeyay, ugugu dambeeyay oo noociisa ah oo ay labada dal wada qabtaan.
Waxaa xumaaday xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti kaddib Isfahan waa laga gaari waayay muranka dhuleed ee u dhexeeyay dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia kuwaas oo xilligaas saaxib la wada ahaa Midowgii Soofiyeeti. Natiijada Isfahan waagaas waxaa ay dhashay in Soomaaliya muddo cayiman ay u qabato in ay dalka uga baxaan dhammaan khubarradii iyo saraakiishii Midowgii Soofiyeeti ee dalka ku sugnaa taas oo ka dhigtay bar dhammaadka xiriirkii saaxibtinnimo ee labada dal.
Dhowr iyo toban sano kaddib markii uu go’ay xiriirka labada dal, November 1986 dii, wefdi ka socday Soomaaliya ayaa booqday mac-hadkii daraasaadka Afrika ee Soofiyeedka, waxaana iyaga oo casuumaad ka sida madaxweynaha Soomaaliya ay soo dhaweeyeen suurtagalnimada sahan-cilmiyeed wadajir ah oo markale labada dal ay ka wada shaqeeyaan. (AVP RF, 1986)
Sidaas oo kale wefdiga waxa ay casuumaad u fidiyeen agaasimihii mac-hadka daraasaadka Afrika ee Midowgii Soofiyeeti Andrey A. Gromyko kaas oo ay ka codsadeen in uu muxaadaro ka jeediyo jaamacadaha Soomaaliya. Inkastoo uu aqblay agaasime Gromyko haddana waxaa hirgelnimada dalabkaas is hortaagay golihii dhexe ee xisbigii kacaanka taas oo ahayd rejadii ugu dambeysay ee xiriirkii aqooneed ee ka dhexeysay labada dal ka hor inta aysan labadoodaba burburin shan sano kaddib wakhtigaas. (AVP RF, 1986)
GUNAANAD
Hirgalka sahankan waxaa uu door wanaagsan ka ciyaaray sameysanka xagal cusub oo laga eego taariikhda, dhaqanka iyo aqoonta bulsho ee Soomaalida si gaar ah dhaqdhaqaaqyadii waddaniga ahaa ee la dagaalamayay gumeystaha, taas oo wax badan ku biirisay dadaalladii nidaamkii kacaanka ugu jiray sameynta Soomaali cusub, walow ugu dambeyn ay fashil iyo dhammaad caaqibo xun ku dambeyeen isku dayadaas. Guud ahaan qormadan waxa ay ahayd qormo dadaal badan uu ku baxay islamarkaana si qurux badan u dhigan, ha yeeshee howl kasta iyo gaabiskeeda e, marka laga shidaal qaadanayo gaabiska luuqadeed iyo kala duwanaanta dhaqameed ee u dhexeysa aqoonyahankii Soofiyeeti iyo Soomaalida waxa ay u badan tahay in ay ka nuxur badnaan lahayd intaas haddii kala duwanaantaas aysan jiri lahayn.
Qoraaga waxaa ay keliya xoogga saartay in ay qormadeeda ku xoojiso xogaha Afka Ruushka ku qoran ee mowdduucan la xiriira, taas oo nusqaan u yeeshay qormadeeda, walow xogta mowdduuca la xiriirta ee laga heli karo dhanka Soomaalida ay kooban tahay haddana, waxaa la heli karay xogo wax uun ku kaba qormadeeda.
Dhanka kale qormada waxa ay ka gaabisay is dultaagga iyo si qota dheer usoo bandhigidda natiijada sahanka iyo cilmi baarisyadii laga soo saaray, baddalka waxa ay si dul ka xaadis ah uga warantay waxa aqoonyahankii baaritaanka sameeyay ay kasoo saareen baariddoodii shanta bilood qaadatay. Ugu dambeyn, qoraaga qormadan ma aysan qiimeyn saameyntii sahankan uu ku lahaa sameysanka taariikh Soomaaliyeed oo sheekada ay ku wareegeyso ay tahay halgankii Daraawiishta ee uu hoggaaminayay AUN Sayyid Maxamed Cabdulle Xasan, taas oo wixii markaas ka dambeeyay uu nidaamkii kacaanka suuq geeyay.
Mowdduucan waa mowdduuc dihan oo u baahan baaritaan qota dheer, maaddaama xogta ugu badan ay ku qoran tahay Af-ruush, ogaalkeyga aad ayaa ay u yar yihiin aqoonyahanka labada dhinacba ee u banbaxay si qota dheer u baaridda mowdducan. Haddaba, waxaa cilmi baarayaasha iyo daneeyayaasha mowdduucan u furan dhinacyo kala duwan ka eegidda sahan-cilmiyeedkan iyo si guud xiriirka iyo iskaashiga dhaqan ee ka dhexeeyay dalalka Soomaaliya iyo Midowgii Soofiyeeti.
REFERENCE
Archival Sources
- Archive of the Foreign Policy of the Russian Federation (AVP RF). (1964). Deputy Minister A. Petrov to the Director of Documentary Films Studio A.G. Semin. July 11. F. 581, Op.8, P.7, D.8, L.78.
- Archive of the Foreign Policy of the Russian Federation (AVP RF). (n.d.). A Note to the Counsellor of State Committee of Mass-Media of the USSR S.V. Kaftanov. F. 581, Op.5, P.3, D.10, L.37.
- Archive of the Foreign Policy of the Russian Federation (AVP RF). (1986). F.581, Op.30, P.34, D.7.
- Archive of the Foreign Policy of the Russian Federation (AVP RF). (1971). Conversation of the members of the Soviet-Somali expedition with the President of Supreme Revolutionary Council of the SDR M.S. Barre, September 22. F. 581, Op.15, P.17, D.8, L.35.
Newspapers 5. Pravda. (1961, May 25). Somali Republic. (145).
Books 6. Smirnov, R. (n.d.). [Diaries]. Author’s archive. 7. Stepanchenko, D.I., & Osman, M.X. (1969). Somali-Russian dictionary. Moscow. 8. Ucheniye zapiski Sovetsko-Somaliiskoi ekspeditsii. (1973). M. 9. The Notes of the Expedition
Web Sources 10. Telepneva, N. (2019). A cultural heritage for national liberation? The Soviet-Somali historical expedition, Soviet African studies, and the Cold War in the Horn of Africa. British Academy Postdoctoral Fellow, University of Warwick. 11. https://dictionary.cambridge.org/dictionary/english/expedition