Nuxurka heshiiska:
Xabbad-joojin muddo laba toddobaad ah oo u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan, kadib dagaal socday 40 maalmood. Heshiiska waxaa garwadeen ka ahaa dowladda Pakistan, waxa uuna gogolxaar u yahay wadahadallo dhowaan ka bilaabanaya caasimadda Pakistan ee Islamabad.

 

Sababaha:
Maraykanka: In uu lugaha kala baxo dagaal u muuqda mid dabadheeraanayana, qiimihiisa siyaasadeed iyo dhaqaalana ay yihiin kuwa aad u sarreeya, gaar ahaan marka la eego saamaynta xiritaanka marin-biyoodka Hormuz.
Iiraan: In ay hesho waddo ay kaga badbaaddo dagaalka dagaalka baaxadda leh ee ku socda iyo burburinta sida joogtada ugu socota kaabayaasheeda dhaqaale.
 Qodobka dub-dhexaadka u ah heshiiskan waa: Culayska ka dhashay xirnaanashaha marin-biyoodka Hormuz.

 

Qodobbad Lagu Heshiiyay:
In si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.
In si kumeelgaar ah muddo laba usbuuc ah loo furo marin-biyoodka Hormuz.
In la bilaabo wadahadallo lagu gaarayo heshiis joogto ah oo lagu soo afjarayo dagaalka, una dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

 

Guusha iyo Guul-darrada Heshiiska:
Fursadda uu heshiiskani ku guulaysan karo waa mid aad u hoosaysa, marka la eego qodobadan hoose:
Farqiga weyn ee u dhexeeya rabitaanka dhinacyada is haya
Maraykanku waxa uu doonayaa: Bur-burin hubka nukliyeerka iyo Gantaallada Riddada-dheer ee Iiraan.
Iraan waxa ay doonayaa: In laga qaado qaado cunaqabateynta saaran, in magdhow laga siiyo burburka baaxadda leh ee uu u gaystay dagaalka lagu soo qaaday, in ay hesho dammaanad la xiriirtamnigeeda iyo in aan din dambe loo soo weerari doonin).
Iyada oo ay dhowr jeer oo hore ay fashilmeen wadahadallo kuwan lamid ah.
Suurtagalnimada in ay sii socdaan weerrarada millatari ee ka dhanka ah Iiraan  inta lagu jiro wadahadallada.

 

Israa’iil iyo Dowrkeeda:
Israa’iil oo qayb ka ah dagaalka ayaan haddana heshiiska qayb ka ahayn, arrinkaa oo culays ku ah guusha laga filan karo heshiiska.
Waxa ay ka biyo-diiday in Lubnaan ay heshiiska qayb ka noqoto.
Ujeeddada ay dagaalka ka leedahay oo ah in ay naafayso Iiraan iyo xulafadeeda awgeed ayay isku dayi doontaa in aanu heshiisku guulaysan.

 

Gunaanad:
Xabbad-joojintu waa mid ku-meelgaar ah, oo aad u nugul, taas oo ka dhalatay  cadaadis dhinac kasta si gooni ah uu dagaalku u saaray,  fursadaha ay ku guulaysan kartanna ay tahay mid aad u xaddidan, iyadoo weli ay jirto suurtagalnimada in dagaalku mar kale dib u bilaabmo.